Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta ka ambabaxay Muqdisho (SAWIRRO)



 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta  ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Mareykanka, si ay uga qaybgalaan shir Qarammada Midoobay ay uga hadlayso arrimaha Soomaaliya.

"Safarkeygu, waa mid ku wajahan dalka Mareykanka, gaar ahaan New York, waxaan uga qaybgeli doonaa shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dib u dheshiisiinta iyo ammaanka dalka," ayuu yiri Farmaajo.

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sheegay in shirkan oo furmi doona 14-ka bishan uu socon doono laba maalmood, uuna rajeynayo inuu ku dhammaado si guul ah, isagoo xusay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay tahay mid haysata kalsoonida caalamka.


"Shirkan, wuxuu kaga badalan yahay shirarkii hore, caalamku wuxuu ku qanacsan yahay sida ay ku shaqeynayso xukuumadda cusub, waayo waxay ku guuleysatay inay baabi'iso musuq-maasuqa iyo inay bixiso mushaaraadka ciidammada," ayuu yiri Farmaajo.

Wafdiga ra'iisul wasaaraha, waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay xubno ay ka mid yihiin; wasiirka Difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac.

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sidoo kale sheegay in shirka uu ka qaybgalayo looga hadli doono kordhinta ciidammada AMISOM oo dowladda ka difaaca weerarrada kaga yimaada kooxaha hubeysan, iyo howlgalkooda Soomaaliya.

Safarkan, ayaa noqonaya kii labaad oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo, tan iyo markii xilkan loo magacaabay, isagoo safarradii hore ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo dariska la ah Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa isla maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar, iyagoo kusii jeeda dalka Norway oo ay uga qaybgalayaan shir arrimaha Soomaaliya looga hadlayo.

Wafdiga Oomaar, ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) iyo wasiir u dowlaha xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.


Add New Comment