Ciidamada Dowladda KMG oo la wareegay gacan ku heynta magaalada Beledweyne


Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka amar qaata Dowladda KMG ee Soomaaliya ay magaalada kala wareegeen ciidamadii Xisbul Islaam ee hore gacanta ugu haayey magaalada.

 

Ciidamada Dowladda KMG ayey u suurtowday inay la wareegaan magaalada Beledweyne kaddib markii ay dagaal xooggan magaalada kula galeen kuwii Ururka Xisbul Islaam ee beryahan dambe gacanta ku hayey maamulka Beledweyne.

 

Goobaha muhiimka ah ee magaalada ayaa haatan waxa ku sugan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Dowladda KMG, kaddib markii ay xoogaggii Xisbul Islaam ay isaga huleeleen magaalada una baxeen meel aan la garaneyn.


Weli si cad looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne, hase yeeshee waxaa lagu soo warramaya inuu jiro khasaare soo gaaray dadweynaha ku dhaqan magaalada iyo xoogaggii dagaalka isaga soo horjeeday.


Dagaallada guud ahaan ka dhaca gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ah goob istraatiiji ah oo isku xirta koonfurta iyo qaybaha kale ee Soomaaliya ayaa ah kuwo soo noqnoqda oo ay marba koox la wareegto gacan ku-heynta magaalada.

Add New Comment