Dagaal xooggan ayaa ka socda gudaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan


Dagaal xooggan ayaa waxa uu haatan ka socdaa gudaha magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, dagaalkaasoo u dhexeeya xoogagga Ururka Xisbul Islaam ee beryihii ugu dambeeyey gacanta ku haayey magaalada iyo ciidamada Dowladda KMG, halka warar kalena ay sheegayaan inuu dagaalku u dhexeeyo Xisbul Islaam iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad inuu jiro dagaal ka socda gudaha magaalada Beledweyne, ayadoo mar sii horreysay la sheegay inuu dagaalkaasi u dhexeeyey Xisbul Islaam iyo Dowladda, hase ahaatee markii dambe ay Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jamaace ay dhankooda ka sheegeen in ay ciidamadoodu yihiin kuwa magaalada Beledweyne kula dagaallamaya Ururka Xisbul Islaam.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in ciidamada Dowladda KMG ee gobolka Hiiraan iyo kuwa Ahlu Sunna ay iska barbar dagaalamayaan oo ay ku dadaalayaan inay magaalada ka saaraan xoogagga Xisbul Islaam, laakiin waxa aanan weli la caddeyn karin cidda sida dhabta ah ula dagaalameysa Xisbul Islaam.

Dagaalkan oo ah mid aad u xoog badan ayaa haatan waxa uu ka socdaa gudaha magaalada Beledweyne, waxana laysu adeegsanayaa dhammaan noocyada hubka, ayadoo welwel weynna uu la soo dersay dadweynaha ku dhaqan magaalada oo ay dirirtu dushooda ka dhacayso, lamana oga khasaaraha uu dhaliyey dagaalkan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka Beledweyne kala soco shabakadda www.SilGor.com insha'Allaah.

Add New Comment