Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta Tababar
ufuray qaar ka mid ah Ciidamada ilaalada deegaanka Gobolka Banaadir.
Askartani maanta loo furay tababarka oo gaaray 60 askari oo loo tababari
doono ka shqeynta ilaadada deeganka, ururinta canshuuraha suuqyada Muqdisho iyo
sidoo kale ilaalinta nadaafadda deegaanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka hadlay
munaasabadda tababarka loogu furayay askarta ayaa sheegay in ciidanka ilaalada
deeganka ay tusaale u yihiin horumarinta nidaamka dowladnimo sida darteedna ay
mas’uuliyad iska saaraan sidii ay bulshada ugu horseedi lahaayeen ku hagidda
nidaamka Qaranimo.
Tarsan ayaa intaasi ku daray in askarta ilalaada deeganka ay iska ilaaliyan
musuqmaasuqa iyo fulinta danaha gaarka ah iyadoo la dayacayo tii Qaranka
maadama canshuurtu ay tahay aasaska dhaqaalaha dowladda oo ay ku fulinkarto
baalaarinta adeegga bulshada.
Ciidamadan maanta loo furay tababarka ayaa ah kuwo loo tababarayo sidii ay u
qaadi lahaayeen canshuurta maadama ay magaalada Muqdisho laga bilaabay qaadista
canshuurta si loogu hormariyo adeegga bulshada.