Wasiirada adeegga bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay
kulankii 21 oo ay yeesheen wadamada Jaamacadda carabta qeybtooda hormarinta
waxbarashada, iyo kulankii ay la qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda
Turkiga.
Maryan Qaasim wasiirada wasaaradda adeegga bulshada iyo wafdi ay
hoggaamineyso oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegtay in kulankii ay uga qeyb
gashay magaalada Tuunis ee caasimada dalka Tuniisiya uu ku soo dhamaaday guul
iyadoona xustay in shirkaasi waxyaabihii ay uga hadashay ay ka mid ahaayeen in
Soomaaliya loo furo sanduuq loogu aruuriyo dhaqaalaha si loo hormariyo
waxbarashada iyo dhaqanka.
Marwo Maryan ayaa xustay in ay kulan la yeelatay mas’uuliyiinta wasaaradda
shaqada iyo shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda waxbarashada dowladda Turkiga
iyadoona ka heshay balan qaadyo ku aadan hormarinta waxbarashada dalka
Soomaaliya iyo sidii dhalinta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarsho lacag
la’aan ah.
Sidoo kale wasiirada ayaa intaasi raacisay in ay la kulantay wasiirka
wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Turkiga ayna kala hadashay sidii
iskaashi loogu sameyn lahaa hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii wasiirada ayaa tilmaamtay in maalmaha soo socda dalka Turkiga
uga qeyb gali doonto shir ay yeelanayaan wadamada caalamka kaas oo ay ka qeyb
galayaan wasaaradaha hormarinta Qoyska.