Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa
maanta Gaaray Dalka Suudaan gaar ahaan Gobol lagu magacaabo Blue Nile halkaas oo
ay ka dhacayso xaflad lagu maamuusayo furitaanka Mashruuc Biyo xireen ah iyo 57
Guuradii kasoo wareegatay xiligii ay xurnimada qaateen Walalaha Suudaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa kusoo dhaweeyay Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Damaaziin ee gobolka Blue Nile dhigiisa Dalka Suudaan
Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, halkaas oo labada Madaxwayne loogu Tumay Astaanta
Labada wadan ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu wadaa in ay kulamo yeeshaan
dhigiisa dalkaasi kaas oo ay kaga wada xaajoonayaan xariirka labada wadan iyo
isbadaladii ugu dambeeyay ee labada wadan soo foodsaaray bilihi lasoo
dhaafay.
madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu ugu hambalyeeyo dhigiisa
Dalka Suudaan iyo Shacabka 57 Guuradii kasoo wareegatay xiligii ay ka qaateen
Xurnimada Engiriiska taasoo ku beegan maanta oo ah 1 bisha January.
Dowladda Suudaan oo ah wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa waxa ay
noqonaysaa ka qayb galka munaasabadahooda Xariirka qotada dheer ee labada shacab
iyo midka siyaasadeedba u dhaxeeya.
waa booqashadii ugu horaysay uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago
Dalka Suudaan intii loo doortay Madaxwaynanimada Soomaaliya 10 bishii September
sanadkii 2012