Dowladda Japan oo lacag dhan 35,2 million dollar ugu deeqday Dowladda KMG ee Soomaaliya


Dowladda Japan ayaa sheegtay in taageero maaliyadeed oo dhan 35.2 million dollar ay ugu deeqday Dowladda KMG ee Soomaaliya, taasoo wax lagaga qabanayo dib u dhisidda ciidamada ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kaabayaasha dhaqaale ee dowladda.

Wakaaladda Wararka ee dalka Japan (KYODA) ayaa maanta qortay in wasiirka Arrimaha Dibedda ee Japan uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cali Jaamac Jengeli in dalkiisu Soomaaliya ugu deeqay lacagtan, taasoo qayb ka noqon doonta deeqaha beesha caalamka ugu tala gashay dib u dhiska dalka Soomaaliya

Deeqaha loo yaboohay Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa gaaraya boqolaal million oo dollar, hase ahaatee aan weli lasoo gaarsiin, taasoo sababtay in howlihii dowladda Soomaaliya ee dhinacyada ammaanka iyo dib u dhiska uu dib u dhac ku yimaado.

Deeqdaan Dowladda Japan ay u ballan qaadday dowladda Soomaaliya ayaa haddii ay gacanta dowladda soo gasho wax badan ka tari doonta wax ka qabashada ammaanka iyo dib u dhiska hay'adaha dhaqaale ee qaranka, sidoo kalena gacan ka geysan doonta in wax iska beddelaan xaaladda dhinaca maceeshadda ee haysata ciidamada kumanaanka ah ee dhowaan loo soo tababaray.

 


Add New Comment