Ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo isku farasaaray magaalada Muqdisho


 
 Dagaallo iyo duqeymo dhexmaray ciidammada DKMG ah oo garabsanaya Ciidamada AMISOM iyo  Ciidamada Al Shabaab Al Mujahidiin  ayaa xalay ka bilowday magaalada  Muqdisho, taasoo ilaa hadda  ay ku nafwaayay laba qof oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen .

Dagaalladan oo ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Boondheere ayaa bilowday markii xoogagga Xarrkatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay ciidamka DKMG ah kuwa AMISOM kaga sugnaayeen degmooyinka lagu dagaalamay.

Xaafadda Busley ee degmada Boondheere ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ka billowday dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof oo shacab ah.

Inkastoo madaafiic culus ay ku dhaceen degmooyin ka fog Boondheere ayaan lasoo sheegin khasaare ka dhashay, sidoo kalena lama yaqaan khasaaraha labada dhinac ee dagaalamayay kala gaaray.

Dagaal daba-socday dagaalkii xalay ayaa saakay ka dhacay degmada Hodan, kaasoo ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah inta la ogyahay, inkastoo dagaalkii saakay uu ahaa mid ka qabow dagaalkii xalay dhacay.

Xarrakatul Shabaab, dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaan ka hadlin dagaalladii ku dhexmaray Muqdisho xalay iyo saakay, waxaana degmooyinka ay dagaalladan ka dhaceen muddo sannad ku dhow isku horfadhiya dhinacyada ku dagaalku u dhexeeyay lama saadaalin karo waxa ay ku dambeyn doonaan dagaalada dabadheeraaday ee ka dhaxeeya dowladda KMG ah iyo Xooggagga xubaysan ee Al Shabaab.

Add New Comment