Sheekh Fu'aad oo ku qudbeeyey Dowladda KMHG ee Soomaaliya iyo AMISOM dadka la shaqeeya inay yihiin AhluNaar




Sheekh Fu'aad  Jimcihi shalay aheyd waxa uu  muxaadaro uu ku qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna  sheegay  madaxda dowladda min madaxweyne illaa ruuxa ugu hooseeya, wuxuuna  ku tilmaamay dadka taageersan  kuwo diinta ka baxay oo dilkoodu bannaan yahay.

Sheekha Fu'aad oo ah sarkaal ka tirsan Xarrakatul Shabaab ayaa  waxa uu soo jediyey "Xubnaha dowladda, laga soo bilaabo madaxweynaha iyo ruuxa ugu hooseyeeya waxay u hiillinayaan in Islaamka lala dagaalamo,Sidaasina wxay keeneysaa in diinta  ay ka baxaan,duulkaasi  haddii ay doonaan ha-tukadeen, ha-soomeen ama ficillo khayr ah ha-sameeyeen,"

Sheekh Fu'aad, wuxuu muxaadaradiisa ku sheegay dadka afka, qalbiga iyo adinka ku taageera AMISOM iyo dowladda Soomaaliya inay la mid yihiin oo waxay kasoo horjeesteen Ciidamada Al Shabaab oo magaca Illaahay iyo Diinta Islaamka in dadka Soomaaliyeed  lagu xumo doonayso, qof walba oo diinta kasoo horjeestana waa Gaaloway  xaaskiisuna waa ay ka furanatay.
 
Xarrakatul Shabaab oo ka talisa inta badan Muqdisho iyo gobollada koonfureed iyo bartamaha Soomaaliya,
ayaa dagaal kula jirta dowlaMadaxda DKMG ah, ayaa iyaguna inta badan ku eedeeya Xarrakatul Shabaab inay dhibaatooyin ku hayso shacabka ku nool deegaannada ay ka taliyaan, isla markaana ay diinta u fasirtaan sidii ay doonaan.dda KMG ah oo ku sugan qaybo yar oo Muqdisho ka tirsan, mana ahan markii ugu horreysay oo saraakiishoodu ay hadalkan oo kale jeediyaan.


Madaxda DKMG ah, ayaa iyaguna ku eedeeya Xarrakatul Shabaab inay dhibaatooyin ku hayso shacabka ku nool deegaannada ay ka taliyaan, waxayna caan ku yihiin inay diinta u fasirtaan sidii ay doonaan.

Add New Comment