Wasiirka Beeraha Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in dowladdu weerari doonto dhammaan gobollada ay maamulaan xoogagga Islaamiyiinta


Wasiirka beeraha ee Dowladda KMG Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in ciidamada Dowladda KMG ay maalmaha soo socda weerar ku qaadi doonaan goballo koonfurta Soomaaliya ah oo ay hadda gacanta ku haayaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee dowladda kasoo horjeed.

Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa si cad u sheegay in dowladdu ay diyaarisay ciidankii weerarkaasi qaadi lahaa, ayna dhowaan weerari doonaan gobollada Baay & Bakool, Jubooyinka, Gedo, labada Shabeele, Hiiraan iyo gobolka Banaadir.

Hadalka Xaabsade ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ay ururrada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiinna ay u sii hanqal taagayaan inay dagaal kula wareegaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayagoona haddanba si wadajir ah gacanta ugu haaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Add New Comment