Gen. Max'ed Nuur Galaal oo degmada Guri-ceel kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.


Wararka laga helayo Gobalka Galgauud ayaa sheegaya in maanta uu gaaray degmada Gure-ceel Gen. Max'ed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiisha Sar sare ee Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed kaas oo ka soo duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Gen, Max'ed Nuur Galaal oo safarka uu ku tagay Magaalada Guri-ceel ee Gobalka Galgaduud uu ku wehliyay Guddoomiyaha degmada ee Maamulka Culimada Ahlu Sunna Waljameeca Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed) ayaa waxaa siweyn halkaas ugu soo dhaweeyay waxgaradka degmada Gure-ceel iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.
 
Sida uu HOL u sheegay Wariye Madax bannaan oo jooga Gobalka Galgaduud Gen. Max'ed Nuur Galaal ayaa kulan saacado badan qaatay waxaa uu la galay waxgaradka degmada Gure-ceel iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ee Goballada dhexe kaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gudigga Fulinta Maamulka Ahlu Sunna Max'ed Yuusuf Xeefow.
 
Ilaa hadda dhab ahaan looma shaacin waxyaabaha ay ka wada hadleen Gen. Galaal iyo Mas'uuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballada dhexe, laakiin waxaa dadka sida weyn ugu dhuun daloola arrimaha Siyaasada sheegayaan in kulankaasi uusan ka marneyn ka hadalka dhaq dhaqaaqyada Miletari ee Culimada Ahlu Sunna ay ka wadaan deegaanno badan oo ka tirsan Goballada bartamaha Soomaaliya.
 

Add New Comment