Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qasaarihii ka dhashay dabkii xalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho


Warar hor dhac ah ayaa kasoo baxaya dabkii weynaa ee xalay fiidkii ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay inuu geystay qasaare isugu jira naf iyo maalba, ayadoona saaka la helay meydka laba qof oo ay mid haweeney ahayd.

Dabkaan ayaa waxa uu qaybta shidaalka ee suuqa Bakaaraha xalay ka billowday abaarihii 8-dii fiidnimo ee waqtiga magaalada Muqdisho, wuxuuna socda waqti dheer oo ku dhowaad 6 saacadood ah, inkastoo markii dambe lagu guuleystay damintiisa.

Dabka ayaa waxa damintiisa gacan ka geystay dadweyne aad u fara badnaa oo isugu soo baxay ayadoo xoogagga Xisbul Islaam iyo Shabaabul Mujaahidiin oo ayagu gacanta ku haaya aagga uu suuqu ku yaalna ay sugayeen ammaanka si aan loo dhicin hantida suuqa taalla.

Dabku waxa uu gallaaftay nolosha laba qof oo meydkooda la helay ayagoo gubtay, fuustooyin fara badan oo shidaal ah iyo hanti kaleba, waxaase nasiib wanaag noqday in qasaaraha ka dhashay dabka uu aad uga yaraadey sidii la filayey marka loo eego xooggii uu dabku ku billowday iyo qaraxyadii ka dhashayba.

Ganacsato fara badan ayaa waxa uu dabkani soo gaarsiiyey qasaare, ayadoo saakana ay dadka magaalada Muqdisho aad u hadal haayaan sababihii dhaliyey dabka iyo in ganacsatadii ku hantibeeshay dabkani ay mudan yihiin in loo gargaaro, maadaama uu suuqu yahay halbowlaha ganacsi ee dalka ugu weyn.
 

Add New Comment