AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku dagalamay xalay magaalada Muqdishu


 Ciidamada xarrakatul Shabaab ayaa xalay duulaan kusoo qaaday  ciidamada AMISOM ee ku sugan wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga,  dagaalkaasi oo ila iyo jidka warshadaha  saameeyay, duqaymahii xalay waxa ku naf waayay shan ruux  oo rayid ah , ugu yaraan  toddobaneeyo kalan waa ay ku dhaawacmeen


Dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa dhammaantood ahaa dad  rayid ah kuwaasoo ku noolaa xaafadaha uu dagalka ka socday iyo  kuwa kale oo madaafiici ay kula dhacday guryaha ay daganaayeen degmooyinka  Yaaqshiid iyo Dayniile oo aad  uga  fog halka lagu dagaalamay .

 Goobjoogayaal ku suganaa suuqa Bakaaraha waxa ay sheeggen inuu Suuqa nasiib u helay madaafiic dhowr ah kuwasoo dilay ilaa seddex qofood oo rayid ah  kuwa badanna ay ku dhaawacmeen.

Weerar ay Xarrakatul Shabaab ku qaaday wasaaraddii Gaashaandhigga oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM ee dalka Burundi  ayaa sababay in dagaalku qarxo kadibna madaafiic laysku duqeeyo, ilaa hadda la oga  khasaaraha labada dhinac kala gaaray .

Dhaawacii  ayaa la gaarsiiyay Cisbitaalada magaalada  Muqdisho,waxaanu uu  dagaalkii xalay uu joogsaday  saakay,oo maanta  xaaladdu halki lagu dagaalamay waa mid daggan, inkastoo jidka warshadaha oo isku xirayay Muqdisho uu yahay  weli mid go'an oo aanu gaadiidka dadweynaha  uusan  isticmaalayn.

Add New Comment