TACSI - INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

                                       inaalilaahi[1].jpg

Allaah ha u naxariistee waxaa saakay oo taariikhda miilaadigu tahay 28.02.2010 degaanka Ceel-Gorof ee Gobolka Sh/Dhexe ku geeriyooday Al-marxuum Maxadeey Cali Maxaad oo 90 sano jir ahaa, waxaana geeridan naxdinta leh ee ku timid marxuumka la ogeysiinayaa dhammaan carruurtiisa, eheladii iyo asxaabtii uu ka tagay oo kala jooga dalka Soomaaliya gudihiisa iyo dibeddiisaba

Dhammaan Xubnaha U. I. SilGor waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan carruurtii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Maxadeey Cali Maxaad  kuwaas oo dhammaantood kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, waxaanna si gaar ah ugu tacsiyadeyneynaa  walaalkeen Xoghaye Jeylaani Xasan Xaaji Macow geeridaasi ku timid Abtigiis iyo guud ahaan reer Xasan Xaaji Macow meel kasta ay joogaan.

Marxuum Maxadeey Cali Maxaad Allaah haka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, dhammaan eheladii iyo asxaabtii uu ka tagayna sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo. AAMIIN - AAMIIN -  Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.


Add New Comment