Sheekh Axmed Islaam oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada Xisbul Islaam iyo Xarakatul Shabaab Al-Mujaadiin ku dhexmaraya gobollada Jubooyinka

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka tirsan saraakiisha sar-sare ee Ururka Xisbul Islaam ayaa sheegay inay dar-dargelin doonaan dagaalka gobollada Jubooyinka ee ay isaga soo horjeedaan ayaga iyo Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidiin.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu ku sugan yahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, iyo inay gudaha magaalada Muqdisho ku ugaarsan doonaan saraakiisha Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin, sidoo kalene sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo la shaqeysa Al-shabaab.

Sheekh Axmed Islaam ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal dhowaan ka soo yeeray Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo sheegayey in dagaalladii ka dhacay jubooyinka ay soo abaabushay dowladda Kenya ayna ku lug lahaayeen ciidamo ka tirsan Jabhadda ONLF ee ka dagaallanta dhulka Ismaamulka Soomaalid ee Ethiopia.

Ugu dambeyntii ayuu Sheekh Axmed Madoobe ka hadlay dhacdo ka dhacday tuulada Diif ee gobolka Jubbada Hoose, taasoo sida uu hadalka u dhigay ku sheegay in Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ay ku gawraceen halkaasi nin ganacsade ahaa oo horey uga tirsanaan jiray Mucaskarkii raas Kaamboone.

 


Add New Comment