Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dadka Soomaaliyeed ee Libya ku dhibaateysan


Ayadoo ay kasii dareyso xaaladda degenaansho la'aanta ah ee ay sababeen dibadbaxyada ka jira dalka Libya ayaa waxa maalinnimadii shalay ay Dowladda KMG ee Soomaaliya war-saxaafadeed kasoo saartay xaaladda dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaasi oo lagu soo warramayo in qaarkood la dilay.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ka codsatay shacabka iyo dowladda uu gabbalkeedu sii dhacayo ee Col. Qadaafi inay ilaaliyaan ammaanka dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi Libya qaxootiga ku ah oo aan ayagu wax lug ah ku lahayn dhibaatooyinka ka dhacaya dalkaasi.

Sidoo kale Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka codsatay hay'adda Qramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR iyo beesha caalamkaba inay gacan ku siiyaan muwaadin kasta oo u dhashay Soomaaliya oo doonaya inuu isaga baxo dalkaasi Libya ayadoo lala kaashanayo safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahaya magaalada Tripoli ee xarunta dalka Libya iyo jaalliyadaha Soomaaliyeed ee halkaasi ka jira.

War-saxaafadeedkan kasoo baxay Dowladda KMG Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay dhibaato aad u daran oo dhinaca ammaanka ah ay dalka Libya ku heysato dad Soomaaliyeed oo qaxooti ku ahaa dalkaasi kaddib markii dad u dhashay waddamo dhowr ah oo Afrikaan ah lagu eedeeyey inay xasuuq ka geysteen dalkaasi Libya kaddib markii ay rabshaduhu billowdeen, dadkaasoo lagu eedeeyey inay yihiin calaashood-u-shaqeystayaal u adeegaya nidaamka uu gabbalkiisu sii dhacayo ee Col. Qadaafi iyo warbaahinta crbeed oo ay ku jiraan shabakadaha telefishannada Al Jazeera iyo Al Carabiya ay si ka badbadis ah u sii buunbuuniyeen inay jiraan dad Afrikaan ah oo calooshood u shaqeustayaal ah ay dad carbeed oo Libyaan ah k gumaadayaan gudaha dalka Libya.




Add New Comment