Xisbi Siyaasadeed ay horboodayaan Dad caan ah oo Xaflad gogol-xaar ah loogu sameeyay London (SAWIRRO)



Xaafadda Wembley ee magaalada London ayaa shalay lagu qabtay xaflad loogu gogol-xaarayay xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabay Hiil-Qaran, kaasi oo ay qaabeyntiisa hor-boodayaan rag si weyn looga yaqaano Soomaaliya oo siyaasiyiin iyo aqoonyahanno isugu jira.

Halka lagu qabtay Xafladda ayaa waxaa ka soo xaadiray dad badan, inkastoo masraxa shirka ay fadhiyeen dad si weyn loogu ixtiraamo siyaasadda Soomaaliya sida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen iyo Cusmaan Jaamac Cali Kalluun, Danjire Maxamed Shariif iyo C/qaadir Aadan Shiikh Jengeli.

Liibaan Daahir Nuur oo ka mid ah Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda London, isla markaana shirkaas ka qeybgalay ayaa qaabkii shirkaas uu u dhacay waxaa uu uga warramay Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da, wuxuuna sheegay in Xisbiga Hiil-Qaran ee shirka loogu gogol-xaarayay uu ula muuqday mid in muddo ah  laga soo shaqeynayay oo hadda wixii ka dambeeya la doonayo in la shaaciyo, isagoo xusay in daadiyihii shirka oo ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar uu mar ka dhawaajiyay in Dhuuxa Xisbigan uu yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Halkan ka dhegeyso
Faah-faahinta Shirkan
-BBC

Waxaa uu intaas ku daray Liibaan Daahir in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo shirka ka hadlay uu sheegay in ay muhiim tahay in Soomaalida isu tagto, isla markaana ay sameystaan wax ay wada leeyihiin oo aan ahayn Dowlad dalka dibaddiisa lagu soo dhisay ama sida uu u yiri ay wadaan dowlado shisheeye ah.

Xisbigan Siyaasadeed ee magaciisu yahay Hiil-Qaran ayaa haddii si rasmi ah loo shaaciyo, waxaa uu noqonayaa xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay oo ay hoggaankiisa hayaan dad Qurbo-joog ahaa, kuwaasi oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda, waxaase is-weydiin leh sida Xisbigan uu lugta u soo gashan doono siyaasadda jaha-wareersan ee Soomaaliya, taasi oo aan hadda maareynteeda gacanta ugu jirin sida la wada ogyahay dadka Soomaaliyeed.



Add New Comment