Guddoomiyaha Baarlamaanku Soomaaliya oo sheegay in bisha soo socota ay furmi doonaan fadhiyadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in kulammadii caadiga ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka furmayaan bisha soo socota.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hadlakan sheegay isagoo wareysi siinayay VOA-da xilli uu ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna in Golaha Shacabka oo la dayactirayay laga diyaariyay qayb ay ku shiri karaan xubnaha baarlamaanka.

"Bisha soo socota ayay si rasmi ah u furmayaan fadhiyadii Baarlamaanka ee caadiga ahaa, waayo waxaa la dhameystiray qayb ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana dalka ku sugan 306-mudane oo diyaar u ah inay kulammada ka qaybgalaan" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sheegay in Xildhibaannada ay haystaan xaalado mushaar la'aani ay ka mid tahay isagoo sheegay inaysan mushaar qaadan muddo dheer, taasoo saameyn ku yeelatay furmidda kulammada baarlamaanka.

"Xildhibaanadu ma sugna ammaankooda, waxaana ugu wacan mushaar la'aan sababa u noqotay inay heli waayaan dhaqaale ay siiyaan dadkii ilaalada u noqon lahaa" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay Xildhiabannada lagu xiray dalka Itoobiya, isagoo daboolka ka qaaday inuu rajeynayo in lasoo daayo, isla markaana wuxuu uga digay Xildhibaanada inay u safraan dalalka dariska ah iyagoo aan ogolaasho ka haysan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaan wax kulamo ah yeelan tan iyo wixii ka dambeeyay bishii Ogoosto ee sannadkii hore markaasoo uu galay fasax, waxaana dhawaan furay fadhigiisii 10-aad Madaxweyne Sheekh Shariif inkastoo aanu dib dambe u qabsomin.


Add New Comment