Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in baarlamaanku uusan ka laabanayn go’aankii uu muddada ku kororsaday



 Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif  Xasan Sheekh Aadan ayaa gaashaanka ku dhuftay qoraalkii uu madaxweyne Sheekh Shariif u diray guddoonka baarlamaanka, kaasoo uu kaga codsaday in dib u eegis lagu sameeyo muddadii saddex sano ahayd ee uu baarlamaanku ku kororosaday xilligiisa shaqo marka la gaaro bisha Ogoosto ee sannadkan.

 

“Kama laabanayo baarlamaanka go’aankii uu muddada ku kororsaday, madaxweynaha xaq uma lahan inuu baarlamaanka ka codsado in go’aankaas dib u eegi lagu sameeyo,” ayuu afhayeenka baarlamaanku yiri maanta kaddib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho intii uusan u dhoofin dalka Kenya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalin ka hor u diray baarlamaanka qoraal uu kaga codsaday in dib u eegis lagu eegis lagu sameeyo muddo kororsiga ay sameeyeen, isagoo arrintaas u cuskaday qodobbo ka tirsan dastuurkii 1960-kii iyo axdiga KMG ah.

 

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaa u ogolaanaya inuu isbadal ku sameeyo sharciyadiisa qodobka 70-aad ee axdiga KMG ah, mana jirto sabab loo cuskado dastuurkii 1960-kii,” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in dhacdooyinkan oo kale ay horay u dhaceen, balse baarlamaanku uu isagu go’aan ka gaari karo arrimihiisa gaarka ah.

 

Shariif Xasan wuxuu sheegay in warqad ay kaga jawaabayaan middii madaxweyne Sheekh Shariif ay dib ugu celiyeen madaxweynaha, uuna rajeynayo inuu ku qanco, iyadoo arrintan ay muujinayso khilaaf cusub oo soo dhexgalay madaxweyne Sheekh Shariif iyo Shariif  Xasan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo arrintan wax looga weydiiyay shir jaraa’id oo uu isna maanta ku qabtay Muqdisho ayuu kaga jawaabay: “Aniga waxaan wax u qoray waa baarlamaanka, isaga ayaana jawaab ka sugayaa, mana jirto warqad la i soo gaarsiiyay.”

Add New Comment