Rasaas iyo madaafiic goos goos ah oo weli laga maqlayo goobihii shalay lagu dagaalamay ee magaalada Muqisho


Waxaa ay weli dagaallo goos goos ah iyo madaafiic lays weydaarsanayo ay ka socdaan goobihii shalay uu dagaalka culusi ku dhex maray ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helayey kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada kasoo horjeeda ee Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.

Dagaalyahannada Xarakatul Shabaab ayaa isku dayaya inay dib ula wareegaan goobihii maalinnimadii shalay dagaalka lagaga qabsaday ee waddada dheer ee Warshadaha oo ah waddada kaliya ee isku xiri jirtay qaybaha magaalada Muqdisho ee ay kala heystaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Degaannada ku dhowdhow goobihii shalay lagu dagaallamay ayaa u muuqda kuwo maran oo ay dadkii dganaa isaga qaxeen, ayaadoo intii ku hartayna ay saaka billaabeen inay halkaasi isaga cararaan, ayadoo habeennimadii xalay oo dhan aagaggaasi laga maqlayey dhawaqa madaafiic culculus oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada halkaasi isku haya ee ay dirirtu ka dhexeyso.

Add New Comment