Guddiga Barlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Dastuurka iyo Federaalka oo ka shiray Dastuur cusub oo uu dalku yeesho


Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka  shiray arrimo ku saabsan Dastuur cusub oo waafaqsan shareecada Islaamka oo uu yeesho dalka, kaasoo ay xukuumaddu u gudbisay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Barlamaanka Soomaaliya  Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey sheegay in guddigu uu aad uga dooday dastuurka cusub ee ay soo gudbisay xukuumadda, taasoo markii dambe ay go'aan ku gaareen inaan loogaga maarmin in lagala tashado culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.

"Waxaan doonaynaa inaan kala tashanno Dastuurkan cusub culumo Soomaaliyeed oo aan rajeynayno inay dhawaan dalka soo gaaraan, waxaana lagu sameyn doonaa dastuurka diinta Islaamka" ayuu yiri Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku celcelisay in la beddelayo dastuurka dalka u degsan, laguna beddelayo dastuur cusub oo ku saleysan diinta Islaamka oo lagu dhaqo dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee muslimka ah.

Dastuurkan cusub ayaa marka la soo dhammeystiro waxa la sheegay in loo soo bandhigi doonaa shacabka Soomaaliyeed oo u codeyn doona, natiijadii codeyntooda ka soo baxdana la qaadan doono.


Add New Comment