Ku-xigeenka Raisul-wasaaraha dalka Turkiga Bekir Bozdag ayaa maanta soo
gaaray magaalada Muqdisho xubnaha wafdigiisa ayaa markii ay kasoo dageen
garoonka diyaardaha Aadan Cabdulle Cusmaan waxaa siweyn usoo dhaweeyay
mas,uuliyiinta dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasiirka Arrimaha dibeda ahna
Ra.isulwasaare kuxigeen Fowsiyo yuuusf Xaaji Aadan.
Wafdigan ayaa lasoo galbiyay qeybaha kale ee magaalada isagoo kormeer kutagey
xarumo ay horay Dowlada Turkigu uga hirgelisay Soomaaliya kuwaasoo uu soo indha
indheeyay sida ay u shaqeynayaan.
Bekir Bozdag Ayaa inta uu kusuganyahay magaalada Muqdisho waxa uu
dhagaxdhigi doonaa xarun Lagu barto cilmiga beeraha taasoo uu Turkigu dalkeena
kahirgelinayo isagoo kormeerkiisana kutegi Doona xarumo hor leh iyo qaabka uu
usocda dhismayaasha ay Turkigu wadaan sida dib udhiska Wadooyinka
caasimada,xarumaha caafimaadka ,iyo sidoo kale goobaha ay ku caawiyaan dadka
Dhibaateysan.
Dowlada Turkiga ayaa kawada dalkeena mashaariic farabadan oo lagu
horumarinayo Soomaaliya Waxaana ay horay gurmad balaaran ugu sameeyeen dadkii
Soomaaliyeed markii ay abaaraha ba’ani Kudhufteen gobolo kamid ah koonfurta
Soomaaliya.
Ra’isulwasaare kuxigeenka dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in saacadaha
soo socda ay si wadajir ah warbaahinta ula hadlaan isaga iyo mas,uuliyiinta dowlada
isagoo kulan la qaadan doona Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh
Maxamuud iyo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kuwaasoo uu kala hadli
doono horumarinta xiriirka Turkiga iyo Soomaliya iyo sidoo kale Dadaalka
dheeriga ah ee ay madaxda wadanku ugu jiraan dib usoo nooleynta Soomaaliya.