Xisbul Islaam oo iska fogeeyey eedeeynta Xarakatu Shabaab Al Mujaahidiin


Xoghayaha Warfaafinta Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalim Cali ayaa maanta ka fogeeyey ururkiisa ku lug lahaanshiyaha qaraxyadii ka dhacay Suuqa Baakaaraha ee uu maalinnimadii shalay afhayeenka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere ku eedeeyey Xisbul Islaam.

Xoghayaha Warfaafinta ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho waxaan uu beeniyey in askar ka tirsan Ururkooda ay ku lugleeyihiin qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Xoghayaha Warfaafinta Ururka Xisbul Islaam Sh.Maxamed Macalin Cali ayaa mar uu soo hadal qaaday qaraxyadii ka dhacay jidka 30-ka gaar ahaan agagaarka Hotelka Salaama ayaa waxa uu sheegay in Ururkoodu uu  gudi baari taan u saaray qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha,gudigaas oo xog ka keeni doona.

Xoghayaha Warfaafinta ururka Xisbul Islaam Sh.Maxamed Macalin Cali  ayaa ka dhawaajiyey in Ururkooda ay cambaaraynayaan qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Warsaxaafadeedka maanta uu qabtay Xoghayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Macalin Cali ayaa ku soo beegmay xili shalay uu eedeyn dad ban u soo jeediyey Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Raage Xisbul Islaam isagoo ku eedeeyey qaraxyadii ka dhacay Suuqa Bakaaraha.



Add New Comment