Admiral Faarax Qare : Maraakiibta shisheeye wax badan kama qaban karaan burcad-badeedda


admiralQareBB.jpgTaliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa mar uu maanta saxaafadda kula hadlayey magaalada Muqdisho sheegay in maraakiibta shisheeye ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya aysan wax badan ka qaban karin ka hortagga burcad-badeedda.

Admiral Faarax Qare ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta ku saabsan cabashooyin maalmahan dambe ka soo yeerayey kalluumeysatada gobolka Banaadir oo ay kaga cabanayeen dhibaatooyin ay sheegeen inay ku hayaan Ciidamada Badda, taasoo taliyuhu uu sheegay inuu horey ugu sheegay kalluumeysatada in haddii ay wax dhibaato ah kala kulmaan ciidanka ay si toos ah asaga ugu soo wargeliyaan, taasoo uu caddeeyey in aysan asagu wax cabasho ah weli ka soo gaarin dhanka kalluumeysatada.

Admiral Faarax Qare ayaa hadalkiisa kusoo gabagebeeyey baaq uu u jeediyey burcad-badeedda heysata lamaanaha u dhashay waddanka Ingiriiska ee lagu heysto xeebaha gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo uu ugu baaqay inay sii daayaan iyo weliba dhammaan maraakiibta kale ee lagu heysto biyaha dalka.

Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo ah mid dib loo aasaasay ayaa bilihii ugu dambeeyey muujiyey dadaal fara badan, kaddib markii uu soo tababaray ciidamo tiradooda lagu sheegay 1000 askari oo dhoolatus ka sameeyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo rajo wanaagsan geliyey dadweynaha ku dhaqan magaalada iyo guud ahaan caalamka oo aad uga walaacsan dhibaatada burcad-badeeddu ku heyso isu socodka gaadiidka ganacsi ee badaha ku xeeran waddanka Soomaaliya.

 


Add New Comment