Ciidamo Ethiopian ah oo soo galay degaano ka tirsan gobollada Galguduud, Hiraan iyo Gedo


Wararka ka imanaya degaanka Ceel Gaal ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi soo gaareen ciidamo Ethiopian iyo Soomaali ah oo wata gaadiidka dagaalka, kaddib markii ay kasoo tallaabeen xadka gobolka Hiiraan uu la leeyahay Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Ciidamadan ayaa isla markii ay soo gaareen degaankaasi waxa ay durbadiiba fariisimo ka sameysteen duleedyada degmada Ceel Gaal, ayagoona halkaasi ka billaabay dhaqdhaqaaq ciidan oo cabsi ku beeray dhammaanba dadweynaha degaankaasi, keenayna in albaabada laysugu dhufto dhammaanba goobihii ganacsiga.

Imaanshiyaha ciidamadan Ethiopianka ah ay yimaadeen degaanka Ceel Gaal ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xilli maanta iyo maalinnimadii shalayba la dareemayey dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay Ethiopianku ka sameynayeen gobollada iyo degmooyinka ku dherersan xuduudda ee gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Gedo.


Add New Comment