Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo Xisbul Islaam ku eedeeyey qaraxyada ka dhacay aagagga ay magaalada Muqdisho kaga wada sugan yihiin


Afhayeenka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox ururkooda kula safan dagaalka ay kula jiraan Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ay fulisay qaraxyadii ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Sheekh Cali Dheere waxa uu sheegay in qaraxyadii ka dhacay qaybta shidaalka ee suuqa Bakaaraha, kii ka dhacay suuqa daawada iyo qaraxii ugu dambeeyey ee xalay oo geystay dhimashada ugu yaraan 3 ruux ay dhammaantoodba ahaayeen kuwo ay ka dambeeyeen koox ka tirsan mujaahidiinta, hase ahaatee si toos ah uma uusan aabaarin kooxdaasi magaceed.

 

"Mujaahiiintu waxay ku guuleysteen inay ku qabtaan degmada Baydhabo dad ka mid ah kuwii fuliyay qaraxii ka dhacay Suuqa Daawada waxayna noqdeen kuwo ka tirsan Mujaahidiinta" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in qaraxii xalay ka dhacay inta u dhexeysa Black Sea iyo Baar Ubax uu ahaa mid ay kooxdaas ka dambeyso, ayna ku doonayeen inay dhibaato ugu geystaan Mujaahidiinta kale.

 

"Suuqa Bakaaraha waxaa jooga Mujaahidiin iyo Shacab, ma joogaan cadow la qarxiyo, waxaana tani ay tusaale cad u tahay inay jiraan dad gaar ah oo loo adeegsaday inay dhibaatooyin u geystaan Mujaahidiinta" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Dadkii ku dhintay qaraxii xalay oo ahaa mid xooggan kana dhashay laba miin oo lasoo dhigay maydadkooda agagaarka suuqa Bakaaraha ayaa Ururka Xisbul Islaam wuxuu sheegay inay iyaga ka tirsanaayeen, taasoo dhalisay iska-horimaad dhexmara iyaga iyo ciidamo taabacsan Xarrakatul Shabaab.

 

Iskahorimaadkan oo ka dhacay Bakaaraha ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay laba qof oo ka tirsan labada dhinac, balse xabbadu waa joogsatay, kaddib markii ay ciidamada Xisbul Islaam qaateen maydadkoodii.

 

Afhayeenka Xarrkatul Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dagaalkii ka dhacay Dhoobley oo ay mas'uuliyaddiisa sheegteen Xisbul Islaam ay ka dambeeyeen ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya iyo Jabhadda ONLF.


Add New Comment