Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Japan


guddoomidB.jpgMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay safiirka dalka Japan wakiilka uga noqon doona Soomaaliya.

Kaddib markii waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa waxa uu safiirka Japan sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta xiriirka dalkiisa kala dhexeeya dalka Soomaaliya, sidoo kalena uu dalkiisa dhowaan safaarad ka furan doono magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in dalka Japan uu ka mid noqday ilaa iyo labaatan dal oo si cad u sheegay in soo celin doonaan xiriirkii diplomasiyadeed ee kala dhexeeyey, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ay durbaba safaaradahoodii ka furtay magaalada Muqdisho.

Waxa munaasabaddan goobjoog ka ahaa ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Dalka Japan ayaa si toos ah u soo gaarsiiya dowladda Soomaaliya wixii taageero ah ee ay ugu tala galaan ayaga oo aan u soo marsiin ururo iyo hay'ado caalami ah toona.



Add New Comment