Ilaalada Madaxtooyada oo rasaas ku kala eryay banaanbaxayaal ka soo horjeeday xariga Maxamed Dheere+Sawiro



Ilaalada Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa maanta rasaas ku furay dibad baxayaal careysan oo ka soo horjeeday xariga Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar muddo shan cisho ah, iyadoo dibad baxayaasha ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah Dowladda KMG.

Dibad baxayaasha oo socod ka soo bilaabay Daljirka Dahsoon ilaa Taaladii SYL ayaa markii ay ku soo dhowaadeen Laamiga Madaxtooyada saaran waxaa rasaas ku kala eryay Ciidamada, kaasoo qal qal, cabsi iyo jahwareerba abuurtay.

Qaban qaabiyeyaasha banaan baxa ayaa waxay saxaafada u soo bandhigeen Haweeney dhaawacantay, oo xabada gudaha ugu gashay, waxaana qof goob-jooge uu sheegay in xabadaha hoos loogu furay dibad baxayaasha.

Sidoo kale waxaa jira labo kale oo iyana la sheegay in dhaawacyo fudud soo gaareen, inkastoo aan goobta saxaafada loogu soo bandhigin, hase ahaatee dibad baxayaasha ayaa markii rasaasta lagu furay is-buurtay oo kala yaacay.

Dadka banaan baxayay ayaa sii dalbanayay in xoriyadiisa dib u helo Maxamed Dheere oo Dowladda KMG ay ku eedeysay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu laayay dadkii banaan baxayay 15-kii bishan, kaasoo ay ku dhinteen afar ruux sideed kalena ku dhaawacmeen.

Banaan baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo lagu cambaareynayay AMISOM iyo in mudadii boqolka maalmood ee Ra'iisul Wasaare Farmaajo uu qabsaday inay noqotay mid Maxamed Dheere lagu xiray.

Sidoo kale banaan baxayaasha ayaa gubay taayaro ay dab qabad siiyeen waxaana wehliyay haween fara badan, dhalinyaro iyo caruur, ururada bulshada ayaa iyana qeyb weyn ka qaatay banaan baxa.

Laakiin dhacdadan maanta ayaa waxba ka duwaneyn tii horay banaan baxayaasha lagu rasaaseeyay, balse dhanka qasaaraha ayay waxba badan ay kaga duwan tahay iyadoo haweeneyda dhaawacantay xaaladeeda aheyd mid caadi ah oo aanay dhaawaceeda sidaa u buurneyn.

Banaan baxan ayaa ah kii labaad oo muddo labo maalmood gudahood dhaca, kaas oo qeybaha bulshada ay qeyb weyn ku lahaayeen, ayna aad uga gil gilsheen xariga Duqii hore ee Muqdisho.

Daawo Sawirada dibad baxayaasha ka soo horjeeda xariga Maxamed Dheere

















Add New Comment