Xarrakada Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda weerarkii ismiidaamin ahaa ee lagu qaaday ciidamada DKMG ah (DAAWO SAWIRADA)

 Xarrakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerar Ismiidaamin oo maanta lala beegsaday saldhigga ciidanka daraawiishta dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Xamarjajab, waxayna sheegeen inay ku dileen boqolaal askari.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab, Sheekh Cali Max'ud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid barakeysan ay ku qaadeen saldhig ay ku jireen ciidamo loo diyaarinayay inay dagaallada Muqdisho ka socda ka qaybqaataan.

"Saldhigga aan weerarka ku qaadnay waxaa ku sugnaa 600-askari oo saf ku jiray xilliga uu weerarku dhacayay waxaana u qudbeynayeen saraakiishooda, iyagoo u qaybsamay kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay," ayuu yiri afhayeenka Xarrakatul Shabaab.

Sidoo kale Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay inay burbureen guryihii halkaas ku yaallay, isagoo xusay in howlgalkaas ay fuliyeen mujaahidiin iyaga ka tirsan ayna u rajeynayaan khayr badan.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu sheegay in ciidammada ku jiray xeradaas lagu soo tababaray dalka Jabuuti lana doonayay in la hubeeyo si ay uga qaybgalaan dagaalka ka socda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu dilay weerarkaas toddoba qof oo keliya kuwaasoo ay ku jireen ciidamadii weerarka lagu weeraray, sidoo kalena 35-qof lagu dhaawacay oo 28 ka mid ah ay ahaayeen ciidankii xeradaas ku jiray.

Gaariga weerarka ismiidaaminta ah lagu fuliyay ayaa wuxuu ahaa nooca Soomaalidu ay u taqaano Dayna, kaasoo rarnaa kana yimid dhinaca dekedda Muqdisho, isagoo gudaha u galay xerada uu qaraxu ka dhacay.



Add New Comment