Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya ayaa waxay ururinayaan lacag si ay aga qayb qaataan sii daynta lamaanayaasha u dhashay dalka Britain

 
Xildhibaanaddu waxay sheegtay in xubnaha baarlamaanka iyo ganacsatada ay ka ururin doonaan todobaadka soo socda lacago qayb looga qaato sii daynta labadan qof oo ay sheegtay inay xaaladdooda caafimaad aad u liidato.

Xildhibaannadu waxay ugu baaqday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalalka dibadda ku nool inay qayb ka qaataan sii daynta labadan qof, iyagoo kaalin ka qaadanaya dhaqaalaha loo ururinayo si lagu sii daayo kooxaha burcad badeeda Somalida.

Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska ayaa dhawaan ka dalbaday kooxaha gacanta ku haya labadan qof inay sii daayaan, kaddib markii ay isugu soo baxeen xaafad ka tirsan Magaalada London  UK.

Lamaanaha Birtish-ka ah ee Paul Iyo Xaaskiisa Rachel Chandle ayaa laga soo Afduubtay Xeebaha Jasiirada Seychelles Bishii October 23-keedii,Waxa jira Dadaalo badan oo logu jiro sidii dadka loo soo siideyn lahaa taasi oo aay wodaan Jaaliyada Ingiriiska ee Somalida iyo weliba xiligan oo Xildhibaanada Dowladu ku soo biireen,waxase lasoo  sheegayaa lammaanahasi inuu  ka sii daraayey caafimaadkooda taasi uu soo sheegay dhakhtar dhawaan soo booqday lammaanahaasi .



Add New Comment