Maxaabiis badan oo Dowlada KMG ah ka sii daysay xabsiyada Dalalka Tanzaaniya iyo Muzanbiig

   

Maxaabiistaan Soomaalida ay ka sii daysay Dalalka Tanzaaniya iyo Muzanbiig ayaa gaaraya ilaa 43 qofood sida uu warbaahinta u sheegay  Wasiirka Jaaliyadaha Dowlada KMG Soomaaliya C/laaji Axmed C/lle (Azhari) waxaana uu intaasi ku daray sidoo kale la helay dad la weysnaa oo Soomaali ah kuwaasoo gaaraya 25 ruux.

Dalka Butuswaana waxaa laga helay ilaa 25 qofood oo Soomaali ah, kuwaasoo la weysnaa waxaana 20 ka mid ah ay yihiin rag inta kalana waa haween,waxaynaku jiraan xabsiyo kala duwan oo dalkaasi ku wada yaal

Sidoo kale Wasiiru wuxuu balan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sii deynta dhammaan dadkaasi Burtuswaana ku xir xirxiran hadii Alle idmo,islamarkaana ay deg deg u howgeli doonaan xiriiro ay la sameynayaan Dowladaaasi Butuswaana.

Dhanka kale Soomaalida iminka lagu guuleystay in laga sii daayo Dalalka Tanzaaniya iyo Muzanbiig ayuu wasiirku tilmaamay inay ku xirnaayeen xabsiyo ku yaal xuduuda labada Dal ee Tanzania iyo Muzanbiig isla meeshaasna laga qab qabtay iyagoo si sharci daro halkaasi ku maraya.


Add New Comment