war deg-deg ah, dab weyn oo hadda ka socda suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho


dabka.jpgDab aad u weyne ayaa caawa fiidnimadii waqtiga Muqdisho waxa uu ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayadoona aan si dhab ah loo ogeeyn waxa sababay, waqtiga oo habeen ah awgiis iyo isu socodka magaalada oo aan habeenkii wanaagsanayn sababo la xiriira ammaanka awgood, waxaana holaca dabka laga arki karaa dhammaanba qaybaha magaalada.

Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxa uu yahay Suuqa ugu weyn dhulka ay Soomaalidu dagto oo dhan, waxaana yaalla hanti aad u fara badan oo nooc kastaba leh, sidoo kale suuqu wuxuu halbowle u yahay ganacsiga ka jira waddanka oo dhan gaar ahaan gobollada koonfureed iyo kuwa dhexeba.

Suuqa Bakaaraha kasokoow hantida taalla, waxaa ka shaqeysta dad Soomaaliyeed oo fara badan oo qabta howlo kala duwan oo dhinaca adeegga ah, sidoo kale waxa ku yaalla inta badan xarumaha isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladahaba.

Dabkan weyn ee ka socda Suuqa Bakaaraha ayaa haddii uu sii socdo keeni doona dhibaato dhaqaale oo hor leh oo saameyn ku yeelata nolasha qoysas fara badan oo Soomaaliyeed oo si aad ah u dareemi doona koror ku yimaada maceeshadda ee Allaah haka badbaadiyo ummadda dhibaatooyinka ka dhalan kara gubashada suuqaasi.

Add New Comment