Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo Hogaamiyaasha Afrika ka dalbaday Hub, Ciidan iyo Dhaqaale in lagu taageero dowladiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shir madaxeedka midowga Africa,wuxuuna ka  codsaday in laga taageero dhinaca milatariga dhaqaalaha iyo in lasoo dhameystiro ciidamada AMISOM ee loogu talagalay in Soomaaliya ay kusoo celiyaan nabad iyo kala dambyn.

Khudbada Madaxweyne Shariif waxa uu ugu horeyn ka hadlay xaaladaha ay soo martay Dowladdiisa mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay, isagoo xusay in qal qal la geliyay hanaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladda muddadii sanadka aheyd oo ay shaqeyneysay ay soo foodsaareen weerar aad u cuslaa oo ay soo qaadeen Al-Shabaab Al mujahidiin iyo xisbul islaam  oo is garab sanaya  si ay u ridaan Dowladda , nasiib wanaag Ciidaanka dowladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM ay fashaliyeen duulaankaasi.

Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in ay wadaan diyaar garow dagaal kama dambays ah oo ay ku xureynayaa gobolada ay haystaan kooxaha kasoo horjeeda dowladdiisa ,waxuuna  dalbaday in lasoo dhamemaystiro tirada 8000 askari ee  AMISOM.

Qudbadi madaxweynaha oo ku baxeysay afka carabiga ayaa waxaa ugu muhiimsanaa qodobo dhowr ah:

 - In Dowladdu kooxaha ka hor jeeda ugu baaqday  wada hadal,  ku guuleysatay in ay qaarkood dowladda ku soo biiraan.

- In Dowladdu ay aas-aastay  ciidammada qalabka sida ee Somaliya, waxayna  xoojisay Dowladda       ciidammada booliska.

- Qowladda waxaa dib u habeyn iyo dib u howl galin ku sameeyay hay’adihii dowladda,  waxayna howlgelisay hay’adihii dhaqaalaha sida bangigii dhexe, dekadda iyo garoonka diyaaradaha.

Dhinaca kalana dowlad goboleedka IGAD oo xalay kulan gaar ah ku qaatay xarunta uu ka socda shirka Midowga Africa ayaa ku baaqay in taageero dhinac walba ah la siiyo dowlada KMG ah iyaga oo soo dhaweeyey dadaalka ay Jabuti ugu jirto in ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya.

Shirweynaha Midowga Africa ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo xarunta Midowga Africa ee magaalada Addis-Ababa.


Add New Comment