Alle ha u naxariistee, marxuum Saleebaan Colaad Rooble, Wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Sportiga ayaa taacsi heer qaran ah maanta loogu sameeyey madaxtooyada Soomaaliya


Xaflad si heer sare loosoo agaasimay uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh  Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Aaden Maxamed Nuur(madoobe), R/Wasaare  Cumar C/rashiid Cali Sharmarke,qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada,xildhibaano,  saraakiil sare, culumaa’u diin, bahda sportiga,eheladii marxuumka iyo qaar ka mid ah saaxiibadiis ayaa lagu qabtay maanta xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya



Xafaladda waxaa lagu bilaabay quraan akhris, wacdi diini ah kadibna waxaa la waxaa la fiirsaday filim laga soo qaaday maalintii qaraxa lala beegsaday ee xafladdii qalinjibinta .
kadib waxaa goobta ka hadlay  Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga, Khadiijo Diiriye oo ah sii haya xilka wasaaradii uu marxuumku ka geeriyooday, iyada ka hadashay waxqabadkii Alle ha u naxariistee Saleebaan ka qabtay hawlaha dhallinyarada iyo sportiga Soomaaliya.

Intaa kaddib, R/wasaare cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Aaden Madowbe ayaa ka wada hadlay baroordiiqdaasi waxayna duco iyo ammaan dhankooda kaga soo jeediyeen Marxuumka.
 Baroordiiqdaasi waxaa soo gabagabeeyey Madaxweyne Sh.Shariif ,waxuuna  Ilaahay u weydiiyey in uu jannada ka waraabiyo Marxuum Saleebaan iyo saaxiibadiis Caddow, Waayeel, Qamar, iyo Cumar Xaashi iyo dhammaan inti ku naf weysay maalintaasi .
Sidoo kale waxa uu kooxaha mucaaradka Dowladiisa ee Al-Shabaab iyo xisbul Islaam uu ugu baaqay in ay nabad iyo wadahadal qaataan, kana joogsadaan falalka dilka Muslimka Diinta iyo Dadnimaba la wadaagga.

Add New Comment