Barlamaanka Jaamacadda Carabta oo taageeray in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya
Shir Baarlamaanka Jaamacadda Carabtu ay maanta ku yeesheen magaalada
Qaahira ee xarunta dalka Masar, ayaa lagu taageeray in Soomaaliya laga
qaado cunaqabateynta hubka ee saaraan.
Tallaabadaan ayaa dawladda
Soomaaliya u ololaynaysay muddo sannado ah si ciidanka Soomaaliya dib
loogu dhiso, taasi oo weli Golaha Ammaanku aanu go’aan ka qaadan.
Kulankan
ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay afar xildhibaan oo uu ku jiro
Pof. Maxamed Cumar Dalxa, waxaana shirkaasi lagaga dooday arrimo badan
oo quseeya dalalka Carabta gaar ahaan dalalka Soomaaliya, Suuriya,
Falastiin iyo dalal kale.
War murtiyeed kasoo baxay gebagabadii
shirka Barlamaanada dalalka Carbeed ayaa waxa lagu xusay in la taageero
dowladda Soomaaliya iyo in la qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee
saaran dowladda Soomaaliya.
Prof. Dalxa oo la hadlayey idaacadda
VOA ayaa sheegay in shirku isku raacay in Soomaaliya la siiyo taageero
maadi iyo macnawiba leh si ay u dhisato hay'adaheeda dastuuriga ah iyo
sidoo kale in la qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ee saaran, taasoo
laysku wada raacay kaddib cod gacan taag ah, si Soomaaliya ay dib ugu
dhisato ciidamadeeda ammaanka.
Prof. Dalxa ayaa waxa kale oo uu
sheegay in qaraarrada kasoo baxay shirka barlamaannada Carbeed uu ka mid
ahaa qaraar lagu taageerayo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha ee
dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Shirka Barlamaannada Carbeed
ayaa waxa kasoo qayb galay ergooyin ka socday barlamaannada 21 dal oo
xubno ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana shirka ka maqnaa xubnihii
barlamaanka dalka Suuriya oo dagaallada dalkooda ka jira awogood ay u
suurtoobi weysay inay shirka soo xaadiraan.
Add New Comment
|
|
|