Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tababar ku soo dhameystay wadanka
Uganda ayaa maanta lagu soo dhaweyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee
magaaladda Muqdisho.
Ciidamadan maanta dib ugu soo laabtay dalka oo ay tiradoodu ka badneyd 500
ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wasiirka difaaca
dalka, ku xigeenadiisa, Abaanduulaha ciidanka XDS, saraakiisha ciidamada qalabka
sida iyo kuwa ka socday AMISOM.
Wasiirka difaaca dalka Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo la hadlay
saxaafadda ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin saraakiil, saraakiil xigeeno iyo
kuwo soo bartay caafimaad isagoona ugu hambalyeyay sida wanaagsan oo ay u soo
qaateen tababarka.
Fiqi ayaa intaasi ku daray in imaashaha ciidamadan ay wax weyn ka badalayaan
xaaladaha amaanka ee dalka loogana baahan yahay in ay gutaan waajibkooda
isagoona, ciidamada ku amaanay sida wanaagsan oo ay u qaateen tababarka.
“Dowladda Soomaaliya waxa ay ahmiyad gaar ah siineysaa ciidamada qalabka sida
taas oo ay cadey u tahay sida dhamaan maas’uuliyiinta wasaaradda difaaca ay
idinku sugayeen garoonka si ay dalkiina idiinku soo dhaweyaan” ayuu yiri
wasiirka.
Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga ayaa carabka ku dhuftay in ciidammada
maanta dalka ku soo laabtay la siin doono tababar gaaban kaas oo ku aadan
wadaniyada iyo wadan jeceelka si ay shacabkooda ugu adeegaan.
Ciidamadan maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ah dufcadii ugu horeysay oo
dalka yimaado tan iyo markii la dhisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
daawo sawirrada
