Miino la kacday Raggii dariiqa ku aasayay xalay Degmada Xamar jabjab ee Magaalada Muqdishu


Xalay ayaa waxaa uu qarax ka dhacay Xaafada Afisyoone Degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaabdir waxana qaraxa uu aha miino dhulka lagu aaasayay taasi oo la sheegay in ay la kacday dhalinyaro dooneysay in miinada ku aasaan meel wado ah oo ay isticmaalaan gadiidka Dowladda KMG ah, kuwa AMIOSM iyo gadiidka dadweynaha .

 Qarax aad u xoogan uu ka dhacay wadada laamiga,Xaafada Afisyooni ee degmada X/jajab kaasoo qal qal xoogan ku beeray dadka ku dhaqan degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay , waxana goobta ay ugu yimaadeen labo ruux oo dhalinyaro ah oo meyd ah isla markaana aad u go'go'ay oo yaalay goobta uu qarax ka dhacay .

Dhalinyarada labada ah ee ku dhintay goobta waxay ka tirsanayeen kooxaha dowladda ka soo horjeeda sida ciidamada booliska ay sheegeen waxayna  degmadmooyinka ay gacanta ku haayaan ay habeenkii ka sameeyan doonaan roondooyin amaanka lagu xaqiijinyayo si looga hortago in isday kan oo kale la sammeeyo.

Add New Comment