Ciidamo taabacsan Axmed Madoobe ayaa la wareegay degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose


Ciidamo taabacsan Shiikh Axmed Madoobe oo ka tirsan saraakiisha ururka Xisbul Islaam ayaa maanta la wareegay maamulka degmada Dhoobley ee gobolka  J/hoose kadib dagaal culus oo halkaas ay kula galeen kuwa xarakada  Al-shabaab Al- mujaahidiin  maanta barqanimadii.

Dagaalkan ayaa wararku sheegayaan in markii ay labo jid oo galbeedka Dhoobley ah ka soo galeen cutubyo aad u hubaysab oo ka tirsan xoogaga hubeysan oo taabacsan Shiikh Axmed Madoobe, taasoo keentay Ciidamada Xarakada Al shabaab iney halkaasi dib uga gurteen , waxaana la maqlayaa rasaas ka dhacaysa meelo ka baxsan degmada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan .

Xoogagga Axmed Madoobe ayaa sanadkii la soo dhaafay laga saaray deegaanada Jubooyinka, kadib markii dagaalo uu kula galay Xarakada Alshabaab, hase ahaatee waxaa uu haatan u muuqdaa mid soo rogaal celiyay mana cadda ilaa hadda in ciidamada Sh.Axmed Madoobe ay sii joogi doonaan Dhoobley iyo in kale, mana jiraan warar ka soo baxay labada dhimac oo dagaalkaasi ku saabsan.

Add New Comment