Xisbiyada Mucaaradka dalka Jabuuti oo qorsheynaya inay ku bannaabaxaan xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle


 Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti, ayaa qorsheynaya inay dhigaan dibadbaxyo ay kaga dalbanayaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu xukunka ka dago, waxaana dibadbaxyadan ay dhici doonaan berri oo Jimco ah.

"Ugu yaraan 1,000 ayaa la filayaa inay dibadbaxa nabadeed ka qaybqaataan, wuxuuna socon doonaa muddo hal toddobaad ah," sidaa waxaa saxaafadda u sheegay guddoomiyaha xisbiga UDA Ismaaciil Geeddi Xareed oo ku sugan Jabuuti.

Xareed, wuxuu sheegay in dibadbaxa ay iska kaashanyaan saddex xisbi oo mucaarad ah, kuwaasoo ogolaaday inay ka qaybqaataan doorashooyinka loogu tartamayo xukunka dalka Jabuuti oo dhacaya bisha Abriil ee sannadkan.

"Shacabku way careysan yihiin," ayuu yiri Xareed, oo intaa raaaciyay, "Dadku waxay leeyihiin waa in madaxweynuhu uu xilka ka dagaa. Waxaan wadi doonnaa Jimcaha, Sabtida, Axadda, Isniinta iyo maalmaha kale."

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa ka taagan dunida Carabta, kuwaasoo ka billowday dalka Waqooyiga Afrika ku yaalla ee Tunisa, waxaana dalkii labaad noqday Masar, iyadoo shacab ay ku guuleysteen inay is-casilaan madaxdii dalalkaas.

Dalalka Al-jeeriya iyo Liibiya ayaa waxaa ka socda dibadbaxyo looga codsanayo madax dalalkaas inay ka daganaa xukunka ay muddada dheer soo hayenen, iyadoo dalka Jabuuti oo ku yaalla bariga Afrika uu noqon doono dalkii ugu horreeyay oo ay ka dhacaan dibadbaxyo la mi ah kuwa ka socda dalalka Carabta.

Jabuuti, waxay xorriyadeeda ka qaadatay dalka Faransiiska sannadkii 1977. Waxaana Geelle oo 63-jir ah xilka madaxweynenimo sannadkii 1999-kii, iyadoo la badalay dastuurka oo dhigayay in laba jeer keliya uu madaxweynuhu isi sharraxi karo, da'da la isku sharraxayana ay ka hoosayso 60-sano.

"Geelle wuxuu madaxweyne yahay 12-sano wuxuuna doonayaa inuu sii ahaado, balse waxaan leennahay kuma doonayno," ayuu yiri Xareed oo intaas raaciyay, "Sababtoo ma jirto wax uu dalka iyo dadka u qabtay. Wuxuuna urursaday lacagtii oo dhan."

Afhayeenadda madaxweyne Jabuuti, Isaaciil Cumar Geelle ayaan jawaabin dibadbaxyada ay sheegeen inay mucaaradku sameynayaan, sidoo kale waxaan ka jawaabin arrintan wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf

Bihsii lasoo dhaafay, C/raxmaan Boorre oo ah hoggaamiyaha xisbi mucaarad ah oo dibad-joog ah ayaa sheegay inuusan doorashooyinka dalkaas ka dhacaya bisha Abriil ee sannadkan aanu ka qaybgalay haddii aan loo ogolaan inay ka qaybqaataan goobjoogayaal caalami ah, si ay u kormeeraan qaabka ay doorashadu u dhacdo, taasoo la sheegay inay ka qaybqaadan doonaan 130,000 illaa 140,000 oo qof marka loo eego shacabka Jabuuti oo tiradiisu tahay 865,000-qof.

Borre waa hoggaaamiyaha xisbiga DPFZ, isagoo hoggaaminayay laga soo billaabo 2000 illaa 2009, wuxuuna Jabuuti ka baxsaday markii lagu xukumay 15-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu soo abaabulay ka geystay weerar aan khasaare geysan.

Hoggaamiyaha mucaaraadka ah ayaa iska fogeeyay eedeymahaas, isagoo sheegay inay yihiin eedeymo siyaasadeed oo lagu doonayo in sumacad ahaan lagu dhaawaco sidoo kalena xisbigiisa lagu mamnuuco.


Add New Comment