Ciidamada Boliiska dowladda kmg ah ee soomaaliya ayaa Baaritaan ka wada qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdishu


 
Maanta ayaa waxa la arkayay baaritaano Ciidamada Boliiska ee dowlada KMG Soomaaliya ay ku sameynayeen  Gawaarida BL-Ka ah  iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay ee  isticmaala Wadada Makka Al Mukarama  iyo Qayb ka mid ah Xaafadaha hoos yimaada degmooyinka Xamarweyne, Xamar Jajab iyo Waabari ee magaalada Muqdishu.

Dadka ku dhaqan  degmooyinka  ay howlgalada ka wadaan ciidamada Boliska ee dowlada KMG Soomaliya  ayaa waxay sheegeen in ay ka war heleen  ciidamo aad u farabadan oo saakay Waabarigii soo galay degmooyinkaasi kuwaasi oo baaritaano kula dhaqaaqay  qaar  ka mid ah guryaha ku yaala xafadaha degmooyinkaasi .

 Afhayeen u hadlay ciidamada Boliiska ee dowlada KMG Soomaliya  Gaashaanle Sare C/laahi Xasan Bariise  oo Saxaafada ku la hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baaritaanadani ay socon doonaan tan iyo inta  laga  xaqiijinayo amaanka  goobaha dowlada ay gacanta ku heyso oo ay ugu horreyso Magaalada Muqdishu si aan dib dambe laysugu dayin in qarax miino ah lala doonto mas'uuliyiinta dowladda KMG ah.

Add New Comment