Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo cambaareeyey dilka Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax


Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii maalinimadii shalay magaalada Garowe  loogu geystay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax (Sh. C/Qaadir Gacamey) oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed  kuwooda ugu caamsan.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in asagu uu shaqsi ahaan u yaqiinay Sheekh Cabdulqaadir Gacamey, asagoona intaa ku daray in sheekhu ahaa wadaad Soomaaliyeed oo lagu yiqiinay fidinta diinta Islaamka iyo ka shaqeynta nabadeynta dalka Soomaaliya.

Dilalka loo geysto culimada ayaa waxa ay sanadihii ugu dambeeyey Soomaaliya ka noqdeen kuwo iska caadi ah ayadoo aysan jirin wax badan oo ay maamullada gobollada dalka iyo xukuumadda Soomaaliyeedba ka qabteen in la badbaadiyo culimada oo la wada og yahay in ay bartilmaameed u yihiin kooxo banneystay dhiggooda.



Add New Comment