Shir deg-deg ah oo Midowga Afrika ay ka yeelanayaan wax ka qabashada xaalada Amniga iyo Siyaasadda ee dalka Soomaaliya.


  Shir ka dhacaya Addis Ababa berri  17-ka Feberaayo 2010 , ayaa waxa  lagu gaari doonaa heshiis ku aadan in dalalka Afrika ay kaalin mug leh ku yeeshaan xal u helidda dalka Soomaaliya iyo dhameystirka tirada ciidamada AMISOM ee horay loo balan qaaday .

Afhayeen u hadlay Ururka midowda Afrika ayaa waxa uu sheegay in laysla meel dhigi doono  oo xal waaafi ah loo raadin doono xalaadda dalka Soomaaliya iyo ciidamada Amisom ee jooga Muqdisho sida  ugu wanaagsan oo ay ciidamadaasi ay ku xaqiijin karaan nabadda iyo xasiloonida kusoo noqota  dalka Soomaaliya..
 Afhayeenku wuxuu daaha ka qaaday in kulankan  la isugu keeni doono wadamadii horay ugu yaboohay in ay Ciidamo Soomaliiya u soo dirayaan gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho si ay u caawiyaan Ciidamada AMISOM ee hadda kusugan Magaalada Muqdisho.

Afhayeenku wuxuu ugu baaqay caalamka inay gacan ka geystaan taageerada dib loogu soo celinayo ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay in AMISOM ay sidoo kale fulin doonaan howlo ay ku tababarayaan ciidamada Soomaaliya.

Howgallada Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya waa kuwo muhiim u ah Dowladda KMG ah  taasoo ciidamadeeda oo keliya aanay awoodin in ay dib u soo celiyaan  ammaanka dalka; ciidamada hadda jooga Moqdishu ee  AMISOM waxay ka socdaan dowladaha Burundi , Uganda iyo jabuuti.

Add New Comment