Barqanimadii maanta Qaraxyo isku xig xigay oo qasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba geestay ayaa ka dhacay magaalada Muqdishu


Qaraxyada ayaa ka dhashay laba baabuur nooca raaxada ah, kuwaasoo la dhigay meel ku dhow Hotelka Ambassador, waxaana ay waxyeello xooggan u geysteen goobo ganacsi oo ku dhawaa dhismaha Hotel Ambassador oo ay ka mid tahay  AMAL  BANK  EE  TRE PIANO  iyo qaar kale.


Qaraxan lala beegsaday  Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)wuu ka badbaaday  waxaase ku dhintay laba qof oo rayid ah, sidoo kale ilaaladii Hotel Ambassador iyo ciidamadii la socday Sheekh Yuusuf Indhocadde ayaa toogasho ku dileen hal qof oo looga shakiyay inuu qaraxa fuliyay.


Baabuurta ku gubatay goobta  waxay ahaayeen labada gaari ee qaraxyada lagu fuliyay, gaari yar oo qof rayid ah uu lahaa iyo gaari nooca dadweynaha ah PL , kaasoo dadki  saarnaa ay  labada qof  ka  dhinatay afar kalana ay soo gaareen dhaawaco kala nooc ah.
Wasiir u dowlaha ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Qaraxa, waxaase uu sheegay in khasaaraha ka gaaray uu ku egyahay oo leliya  laba ilaaladiisa ah oo dhaawacyo gaareen, isagoo sheegay inaysan isaga waxba gaarin

 Ururka Al-shabaab Al-Mujaahidiin  sarkaal u hadlay ayaa sheegay inay ka danbeeyeen weerarkaasi kuna dileen Askar kuna gubeen gaadiid badan oo ay leeyihiin Dowladda KMG ee Soomaaliya.


        SAWIRADA  LAGA SOO QAADAY GOOBTA QARAXA KA DHACAY 0.qarax.jpg1.Qarax.JPG2.Qarax.JPG3.Qarax.JPG5.Qarax.JPG6.Qarax.JPG7.al amal qarax.jpg

Add New Comment