Maxaad ka taqaano maalinta loogu magac daray MAALINTA JACEYLKA ADDUUNKA ?


Maalinta jaceelka adduunka oo afka qalaad lagu dhaho Valentine's day waa xaflad sanad kasto la qabto bisha Febaraayo 14da, xafladaan ayaa aad ugu dabaal degaan dadka aadka isku jecel.
Febaraayo kasto ubaxyo iyo hadiyado kale oo qiimo leh ayee isasiiyaan dadka is jecel ama wada socda, laakin maxay ugu dabaal degnaa maalintaan loo yaqaano maalinta jaceelka aduunka ?
Taariikhda ee soo bilaabatay maalintaan ayaa waxaa lasheegaa 496 dii kahor dhalashadii Nabi Ciise CSW in ee aheed, waxeena iskugu jirtaa labo xafladood oo qiimo u leh dadka karishtaanka iyo dadkii Roman Catholika ahaa taasoo ay u dabaal dagi jireen .
Waxaa la sheegay ninkaan lagu magacaabi jiray Saint Valentine in uu ahaa baadari kaas oo  ka shaqeen jiray qarnigii sidaxaad magaalada Roma, markii boqor Clodiuska labaad uu go'aansaday in uu ciidamo ka dhigto ragga dhamaantooda, kuwa xaasaska ahna loo diido in ee aadaan xaasaskooda kuwa aan xaas laheena loo diido in ee guursadaan, ninka lagu maqlana in uu guursaday la dilo, wadaadka ku mehriyana la dilo.
Sainta Valentine aya u aqoonsaday wareegtadaan oo soo saaray boqorka in ee tahay mid cadaalad daro ah, wuxuuna sii waday in dadka isku mahriyo si qarsoodi ah, markii uu boqorka ogaaday waxa uu sameenayay baadarigaan, ayaa wuxuu amray in lasoo qabto, marki lasoo qabtay ayuu wuxuu amray in la dilo halkaas ayaan lagu dilay, maalintaa kadib waxaa la bilaabay in la xuso maalintii la dilay baadarigii weenaa ee dadka isku mehrin jiray, saas ayeena ku timaaday maalintaan (Valentine's day) in loo dabaaldago ,
Dad kale ayaa waxee qabaan in ee ku bilaabatay maalintaas si kale oo ah Valentine in uu isku dayi jiray dadka karishtaanka ah ee Romanka xabsiyadooda ku xiran in uu caawiyo si ee aga baxsadaan xabsiyadaas oo lagu jir dili jiray, waxaana la ogaaday in uu dadka fakin jiray sidaas ayaana lagu soo xeray, inta kadib Valentine waxaa soo booqan jireen dad badan, dadkaas soo booqan jiray ayuu ka jeclaaday gabar aad u qurux badan, Valentine waxaa lagu xukumay dil toogasho ah markaas ayuu u qoray gabadha uu jeclaa warqad jaceel ah, warqaddaas uuna ku saxiixay Valentine kaaga , kadib waxoo codsaday in loo geeyo gabadha waana loo geeyay isla maalintaas ayaana la dilay, maalintaas waxaa la sheegaa in ee ku beegneed 14ka Febaraayo sidaas ayee ku timid ayaa la dhaha in loo dabaal dego maalintaan,inkastoo ee isku badashay maalintaan maalin ee dadka isjecel iskugu sharaxaan jaceelkooda, ayagoo isku keenaya ubaxyo aad u qurux badan oo gaduudan, halka kuwa kala fogna ee isku diraan kaarar aad losoo qurxiyay oo lagu soo qoray erayo aad umacaan badan.
Qaaradaha adduunka ayaa sanad kasta bisha febaraayo 14da  aad looga xusaa maalintaan aadka qiimaha ugu leh dadka isjecel, qaar badan oo ka mid ah dadka isla socda ayaa waxee soo xertaan dhar gaduudan oo qurxoon ayagoo iskugu yimaada beeraha jaceelka, halkaas ayeena isku gudoon siiyaan fiyooraha qofkasta oo ugu soo tala galay qofka kale uu jecel yahay.
Xuska maalintaan aya isku badalay mid ganacsi badan laga sameeyo, shirkadaha sameeyo ubaxyada iyo kaararka leesku diro ayaa aad ugu xisaabtamo malintaan ayagoo ka macaasha lacag aad u tira badan.
Si kastaba ha ahaato maalintaan waxaa laga qadariyaa adduunka oo dhan dabaaldageedana waxa uu ka dhacaa qaradaha adduunka oo dhan.
Maqaalkayga ku saabsan maalinta jaceelka adduunka waxaa kusoo afmeeraya intaas wixii talo iyo tusaalo ah iigu soo dira iimeelkayga oo ah

[email protected]

Add New Comment