Burundi oo sheegtay in ciidankooda ay sii joogi doonaan Soomaaliya


Afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga waddanka Bururndi oo lagu magacaabo Col. Gaspard Baratutuza ayaa sheegay in ciidanka dalkiisa ka jooga magaalada Muqdisho ee qaybta ka ah ciidamada AMISOM ay halkaasi sii joogi doonaan.

Col. Baratutuza waxa kale oo uu sheegay inay jiraan ciidamo ka mid ah kuwii Dowladda KMG ee Soomaaliya loo soo tababaray oo gaaraya 60 askari ay u goosteen dhinaca kooxaha hubeysan ee Dowladda kasoo horjeeda, hase ahaatee wuxuu caddeeyey in arrintaasi aysan waxba u dhimeyn niyadda ciidamadooda jooga Muqdisho.

Afhayeenkan ayaa waxa kale ee uu Midowga Afrika ka codsaday in la soo dhammeystiro ciidamadii dalalka Afrika ay ugu yabooheen howsha nabad-ilaalineed ee ay Soomaaliya u joogaan, wuxuuna qiray in xoogagga Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ay gacanta ku hayaan inta badan koonfurta waddanka Soomaaliya.

Dalalka Burundi iyo Uganda ayaa ah labada dal ee Afrikaan ah ee ay ciidamo ka joogaan gudaha waddanka Soomaaliya kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso 5 kun oo askari oo ilaaliya ammaanka xarumaha dowladda sida garoonka dayaaradaha, dekedda, Madaxtooyada iyo madaxda sar sareba



Add New Comment