Sheekh Shariif oo dhagax dhigay dhismaha masjid cusub oo laga hirgelinayo gudaha xarunta Madaxtooyada


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dhagaxii ugu horreeyey dhigay masjid laga dhisayo xarunta Madaxtooyada gudaheeda oo ay markiiba salaadda ku tukan karaan jameeco tiradeedu ay dhan tahay 400 oo ruux.

"Markii la arkay baahida loo qabo makaan ballaaran oo dadku ku cibaadaystaan – shaqaale ahaan, martida Madaxtooyada iyo madaxda dowladdaba – ayaa baahidaas darteed loo sameeyey masjidkaan oo weliba yeelan doona maktabad weyn oo diinta lagu barto" sidaas waxa yiri Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Xasan Macalim Maxamuud oo la hadlaayey warbaahinta.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee ogaada baahid loo qabo masjid ay yeelato Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) oo ah halka looga taliyo waddanka, hase ahaatee ay madaxdii isaga ka horreysay ay dareemi waayeen in xaruntani loogaga taliyo dad iyo dal muslim ah, sidaas daraaddedna loo baahan yahay in dikriga Ilaaheey lagu oogo.


dhagaxdhigBB.jpg


Add New Comment