TACSI geerida marxuum Xasan Maxamed Cali Baroow

inaalilaahi[1][1].jpg


Waxa maalinnimadii shalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum Xasan Maxamed Cali Baroow, geerida marxuumka waxa la ogeysiinayaa dhammaanba eheladiisa oo kala joogta waddanka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Bahda SilGor waxay si gaar ah ugu tacsiyeynayaan dhammaanba eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday, si gaar ahna waxa tacsi loogu dirayaa walaashiis hooyo Maryan Maxamed Cali iyo carruurteeda Faaduma (Fow), Cabdullaahi (Fiisoow), Abuukar (Xiimi), Mustaf, Cabdiqani, Caasho iyo Cusmaan iyo dhammaan reer Maxamed Cali Baroow, gaar ahaan xaaskiisa iyo carruurtiisa, sabar iyo iimaan Ilaah haydinka siiyo marxuumkana Janadii Fardowsa haka waraabiyo. AAMIIN.

Add New Comment