Madaxda Dowladda oo maanta Villa Somalia kula kulmay Danjire Mahiga


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) ku qaabilay ergayga  gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

Kulanka madaxweynaha iyo ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa madaxweynaha ku weheliyey guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'iisul-wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrimaha kulanka lagaga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa muddo kororsiga uu dhowaanta u codeeyey barlamaanka, sidii beesha caalamku u taageeri lahayd dowladda iyo sidii loogaga gudbi lahaa xilliga KMG ah.

Kulanka mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo ergayga Qaramada Midoobay ayaa guud ahaan waxa uu ku soo dhammaaday guul, ayadoona lagu ballamay in lasii wado kullamada wada tashi ee noocaan oo kale ah.

Add New Comment