Wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya oo galabta ku geeriyooday magaalada Riyaad


Waxa galabta cusbitaal ku yaalla magaalo-madaxda waddanka Sacuudiga ee Riyaad Allaah ha u naxariistee wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda KMG ee Soomaaliya marxuum Suleymaan Colaad Rooble oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qarixii Hotel Shaamo ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Suleymaan Colaad ayaa muddooyinkan dambe lagu dabiibayey cusbitaalka uu galabta ku geeriyooday kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray qarixii Hotel Shaamo ee ay ku geeriyoodeen wasiiradii Hiddaha iyo Taliinta Sare, Waxbarashada iyo Barbaarinta iyo Caafimaadka, sidoo kalena ay ku geeriyoodeen macalliim, w aqoonyahanno, arday ka qalin jebisay Jaamacadda Banaadir iyo dadweyne kale.

Warka ku saabsan geerida Marxuum Suleymaan Colaad Rooble ayaa waxa xaqiijiyey nin la dhashay wasiirka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Colaad Rooble oo asagoo ku sugan cusbitaalka uu marxuumku ku geeriyooday ee magaalada Riyaad warbaahinta Soomalida u sheegay in wasiirkii Dhallinyarada iyo Isboortiga uu galabta geeriyooday, taasoo tirada wasiirada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee ku dhintay qarixii Hotel Shaamo ka dhigaysa 4 wasiir.

Add New Comment