Nibiriga baluuga ah (Blue Whale) ayaa noqday Xayawaanka ugu weyn adduunka


whaleBB.jpgxayawaankani waxaa la sheegay inuu dhererkiisu gaarayo ilaa 30 mitir, culayskiisuna uu gaarayo ilaa 190 Tan (190 tones ),culayska  wadnahiisa oo kelya ayaa waxa uu gaarayaa ilaa 600 kiilo garaam .

 Xayaankani waxa uu ku nool yahay badda waxuuna quutaa kaluunka yaryar iyo xayawaanada kale  ee ku nool badda gudaheeda .

Baaris  cilmiyeed la sammeeyay ayaa waxa lagu ogaaday in kaluumaysatadu ay si aad ah ugula soo baxeen Badda si ay uga ganacsadaan hilibkiisa taasoo keentay in uu maanta ku dhawyahay in uu ka tirmo adduunka oo dhan nooca Nibiriga Buluugga ah (Blue Whale) .

 Culumada badaha waxay soo saareen in la illaaliyo nooca Nibiriga Buluugga (Blue Whale)oo aan la jillaaban si uu u tarmo mar labaad,waayo waxay sheegeen Culimadu baaris dheer kadib in  aanay  ka badneyn  kumanaan tiro la'eg oo  keliya  oo noocani ah  kuwaasoo laga heli karo  Baddaha adduunka oo dhan.

Add New Comment